AKHRISO:- Dowladda Itoobiya Oo Ku Raadjoogta Getachew Assefa Oo Baxsad Ah

0

Mas’’uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa warqad lagu xirayo u jartay madaxi hore ee sirddoonka dalkaasi, Getachew Assefa.

Waxaa jiraa warar soo baxaya oo ah in lala xiriirinayo xadgudub dhanka xuquuqda aadanaha ah.

Getachew ayaa ahaa madaxi sirddoonka Itoobiya ka hor inta uusan xilka qaban ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Abiy ayaa horraan ballan qaaday in saraakiishii ku tumatay xuquuqda aadanaha lala xisaabtamayo.

Kalfadhigii baarlamaanka Taladaadii, xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Birhanu Tsegay ayaa ku eedeeyay maamulka Tigreega inay qarinayaan Getachew oo uu sheegay inuu halkaasi ku dhuumaaleysanaya.

Ninkan ayaa kasoo jeeda qowmiyadda Tigreega.

Qaar kamid ah shacabka iyo siyaasiyiinta Tigreega ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya in iyagu ay bartilmaameedsaneyso.