TOP NEWS :-Sidee Musharixiinta Puntland U Arkaan Liiska Xildhibaanada Cusub Ee Shalay La Shaaciyay?

0

Saacado kadib markii la shaaciyay liiska xubnaha Cusub ee Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa durba soo dhaweeyay Xubno ka mid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Puntland.

Kadib kulan ay yeesheen qaar ka mid ah Musharixiinta ayaa waxa ay hambalyo u direen musharixiinta,iyaga oo sheegay inay ka rajeynayaan u Shaqeynta dadka ay matalaan.

Musharixiinta soo dhaweeyay Xildhibaanada Cusub ayaa waxaa ka mid ah Faarax Cali Shire,Khaliif Ciise Mudan,Siciid Cabdullaahi Deni, Cali Xaaji Warsame iyo Cali Cabdi Awaare.

8-da Bishaan oo maalmo kaliya inaga xigaan ayaa la filayaa inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo ay u taagan yihiin musharixiin farabadan.