Muran Ka Dhashay Soo Xulista Golaha Wakiilada Maamulka Puntland

0

Muran xoogan ayaa waxa uu ka taagan yahay deegaanada maamulka Puntland kadib markii xalay lagu dhawaaqay xubanaha Cusub ee Baarlamaanka maamulkaasi.

Garaad Saleebaan Garaad Buraale oo ka mid ah Isimada dhaqanka  ayaa sheegay in la musuqmaasuqay xubnaha beeshiisa u matalaya Baarlamaanka Cusub islamarkaana lagu bedelay shaqsiyaad gacan ku rimis ah sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Garaad Saleebaan ayaa ku eedeeyay Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta ee Golaha Wakiilada Puntland  in ay sameeyeen wax isdaba marin taasina ay sababi karto Khilaaf soo kala dhex gala bulshada Puntland.

Dhanka kale waxa uu xusay Garaad Saleebaan in ay ka fiirsan doonaan ka sii mid ahaanshaha Puntland haddii aan wax laga qaban tabashadooda.

Ugu dambeyn waxaa jira walaac ku aadan Liiska Baarlamaanka Cusub ee maamulkaasi Puntland iyadoo ay jirto shaki laga qabo in Madaxweynaha maamulkaasi oo Musharrax ah doonayo in uu ku shubto doorashada dhawaan la filayo in ay ka dhacdo Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.