Dowladda Turkiga Oo Ergay Khaas Ah U Magacaawday Wada-Hadalladda DFS Iyo Somaliland

0

Danjirihii hore ee Dowladda Turkiga u joogay Somalia, Ambassador  Olgan Bekar ayaa la sheegay in loo magacaabay Ergayga Khaaska ee Dowladda Turkiga ugu qaabilsan Wada-hadalsiinta DFS iyo Maamulka Somaliland.

Qoraal uu Danjiraha Somalia u jooga dalka Turkiga, Ambassador Jaamac A. Maxamed soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu xaqiijiyey Magacaabistaasi,  isagoo sheegay  in Ambassador  Olgan Bekar uu kaalin muhiim ah ka qaatay Xoojinta Xirirka  Somalia iyo Turkiga.

Danjiraha waxa kaloo uu Qoraalkiisa ku sheegay inuu Ergayga  Khaaska ee Turkiga  fududeyn doono Wada-xaajoodka labada dhinac.

Dhinaca kale, Maamulka Somaliland weli kama hadlin Magacaabistaasi,  iyadoo uu Wada-xaajoodkaasi oo soo socay sannadkii 2012-kii uu hakad galay, kadib, markii ay labada dhinac ka gaabiyeen Wada-xaajoodkaasi.

Maamulka Somaliland waxay dadaal Diplomaasiyadeed ugu jiraan inay Caalamka ka helaan Ictiraaf, balse ma jirto Dowlad u aqoonsaday Somaliland dal madax bannaan Jamhuuriyadda Somalia.