DEG DEG:- Madaafic maanta lagu gaaracay degmooyin ka tirsan Muqdisho

0

Goordhow ayaa waxaa tiro madaafiic ah waxa ay ku soo dhaceen Xaafada Xalane ee degmada Wadajir,sida ay sheegeen dad ku sugan Xaafadaas.

Madaafiicdaas oo aan ilaa iyo hadda la garan halka laga soo tuuray ayaa jugtooda waxaa laga maqlay inta badan Xaafadaha degmada Wadajir,waxaana dadka Xaafadaas ay sheegeen inay maqleen jugta ilaa Afar Madfac.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Gudaha Xalane ay ku dhaceen Madaafiicda,balse aan weli la garan karin khasaaraha ka dhasahay.