AKHRISO:- Guddoomiye KMG Ah Oo Loo Doortay Golaha Wakiilada Puntland

0

Golaha wakiiladda Cusub ee dowlad goboleedka Puntland ayaa Maanta oo Talaado ah waxa ay doorteen Guddoomiye KMG ah ilaa iyo inta ay ka dooranayaan guddoomiye Cusub.

Kulan ay ku yeesheen Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxa ay Guddoomiye KMG ah u doorteen Xildhibaan Xuseen Xaaji Yaasiin,wuxuuna xilkan sii haynayaa inta laga soo dooranayo gudoomiyaha rasmiga ah ee Golaha.

Xuseen Xaaji Yaasiin ayaa noqday mudanaha ugu da’da wayn ee Golaha Wakiilada Puntland,isla markaana xiiheyn doona xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland.