Xubno ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu Toogtay Baardheere

0

Illaa 6 Qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa waxaa maanta Saraakiisha Ciidamada dowladda ay ku Toogteen degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Toogashada ayaa ka dhacday xarun Ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi.

Mid ka midi ah Saraakiisha Ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Korneyl Duhaab Maxamuud Macalin Cumar ( Tima Jilac) ayaa ka warbixiyay Toogashadaasi.

Tima Jilac ayaa sheegay in Raggani Maxkamad ku taalla degmada Baardheere ay ku xukuntay dil Toogasho ah, laguna fuliyay.

Sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray in xubnahani la Toogtay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay ka geysteen gudaha degmadaasi, kuwaas oo uu tilmaamay in dadka ku nafwaayay dhacdooyinkaasi ay gaarayaan illaa 14 Qof oo isugu jira Askar iyo dad Rayid ah oo aan waxba galabsan.