Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ku dhawaaqay inuu isaga baxay Xubinnimada Xisbiga UPD

0

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay xubinnimada Xisbiga Midowga Horumarka iyo Nabadda (UPD) ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in sabab u gaar ah oo uusan xusin isaga baxay Xisbiga UPD.

“Waxaan Maanta oo ay Taariikhdu tahay 30/12/2018 halkaan ku cadaynayaa in aan ka tanaasulay Xubinnimada Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) sababa aniga ii gaar ah oo aanan halkaan ku xusi karin, waxaana u mahad celinayaa dhamaan Madaxda, Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga oo aan si wanaagsan u soo wada shaqaynay ahna Saaxiibo igu qaali ah. Waxaana u rajaynayaa Xisbiga Mustaqbal Wanaagsan iyo Horumar Wacan”ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur.

Xisbiga Midowga Horumarka iyo Nabadda ee UPD oo dhowaan la sameysay ayaa waxaa ku midoobay xisbiyo kala duwan iyo Xildhibaannadii Qabyo, lama oga saameynta ay ku yeelan doonto Xisbiga dhismihiisa ka bixitaanka C/llaahi Maxamed Nuur.

C/llaahi Maxamed Nuur oo ahaa Xoghayihii Guddiga Maaliyadda ayaa ka mid ah xubnaha ugu firfircoonaa Xisbiga UPD, sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaanada sida weyn uga soo horjeeday Xukuumadda, isagoo hoggaaminayay Warbixintii Guddigii Maaliyadda ee la xiriirtay musuq maasuq inay maqan tahay lacag dhan 42 Milyan oo Doolar.

Sidoo kale waxaa uu jimcihii ku dhawaaqay inuu iska casilay Guddiga Maaliyadda, kaddib markii wareegto uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu kaga saaray Guddiga isaga iyo labo xubnood oo kale