TOP NEWS:-Liiska Xildhibaanada Cusub Ee Baarlamaanka Puntland Oo Maanta Lagu Dhawaaqayo

0

Magaalada Garoowe ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in Guddiga doorashada Madaxweynaha Puntland ay kaga dhawaaqaan Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka maamulkaasi.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaanada Puntland ka socday soo xulista Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka maamulka Puntland,waxaana Liiska Xildhibaanada uu ka booban yahay 66 Xildhibaan.

Guddiga doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa markii ay shaaciyaan Liiska Xildhibaanada waxa ay soo dooran doonaan Guddoomiyaha cusub ee uu yeelan doono  Baarlamaanka maamulka Puntland ka dibna waxaa la isku diyaarin doona doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa shanta sano ee soo socota.