SAWIRRO:-Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo shir uga qeyb galay Dalka Itoobiya

0

Shir looga hadlayo qorshaha dib u kabashada abaaraha iyo sidii looga gashaaman lahaa abaaraha soo noq noqda (RRF) ayaa maata ka furmay Magaalada Addis-ababa ee dalka Ethapia, waxaana ka qeybgalay xubna ka socday Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Federaalka iyo Dowladd gobaleedyada.

Xoghayaha Joogta Wasaaradda Qorsheynta,maalgashiga iyo Horumarinta dhqaalaha dalka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan (Cabdul) oo shir gudoominayay kulan howleedkan ayaa qeexay ahmiyada ku dul xusan qorshahan RRF iyo maraaxisha kala duwan qorshahan dib u gabashada abaaraha uu soo maray.

“Dhaamaanteen waan la wada socanay qorshahan marxalada kala duwan ee uu soo maray, maanta waxaan joognaa qaabkii fulintiisa aan u guda gali lahayn, Garowe markii aan isku imaanay dowladda Dowladda Federaalka iyo Dowladd gobaledyada, arinta si wanagsan ayaan uga wada shaqeynay innagoo wax ajanabi ah nagu dhex jirin, marka qorshahan waa mid Soomaali ay gacanteeda ay ku Sameysatay, iyadana ay leedahay waxan noogala baahan yahay in mudnaansiinta howlahan aan guda galno “ayuu yiri Xoghyaha joogtaa.

Qaar ka midah Agaasimyaasha Guud ee Wasaradaha Qorsheynta Dowladd Gobaleedyada oo ka jeediyay shirka hadalo kooban ayaa bogaadiyay qorshaha iyo sida ay uga shaqeenayso Wasaaradda Qorsheynta Dowladda federaalka Soomaaliya arintan .

Bilowgii Sanadka 2017 markii talada ay la wareegtay Xukuumadda Soomaaliya ee haatan jirta ayaa Wasaaradda qorsheynta dadaal u gashay sidii qorshe looga yeelan lahaa abaaraha soo noq noqday, iyadoo Wasiirka Qorsheyenata Amb: Jamaal Maxamed Xasan uu warqad u qoray Beesha Caalamka uu ka dalbanayay iney dowladda ku gacan siiyan warbaxin lagu eegayo xajmiga ay reebtay abaarahii dhacay 2016 -2017 iyo wax laga baran karo, waxana daraasadaasi lagu soo bandhigay raadadka abaarta ay reebto,tasoo laga sameeyay gobalada dalka oo dhan.

Ka dib ayaa Wasaaradda wax ay go,aan ku gaartay in la la guda galo qorshahan dib u kabashada abaaraha soo noq noqday, iyadoo la tixraacayo daarasada DINA lagu saleenayo ahmiyada kala duwan ee dhinacyada Xoolaha ,Beeraha, Kalluunka , Biyaha Caafimaadka iyo Dhismaha Wadooyinka tasoo fursad u ah sidii looga gaashaman lahaa abaaraha soo noq noqday intii xad ah.