Qarax Gaari Oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo ka dhacay isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay in Gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya, kaas oo magaciisa lagu soo gaabiyay Sahal.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Sarkaalkaasi uu ka badbaaday qaraxa, slamarkaana uu burbur xoogan soo gaaray Gaariga oo watay oo ahaa nuuca raaxada.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha laamaha amniga oo ku saabsan qaraxaasi.