Musharax Gen.Shaale oo u Hambalyo u diray Xildhibaanada Cusub

0

Mushara Gen Shaale ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo xildhibaanada cusub ee la soo xulay islamarkaana uu ka rajeynayo in ay u shaqeeyaan si cadaalad ah.

Shaale waxa uu u diray xildhibaanada cusub Hambalyo, isagoo sheegay in ay ka kooban yihiin xildhibaanadii hore iyo kuwo cusub, isagoo xusuusiyay in ay u dhaaran doonaan dalkooda dadkooda si ay horseed ugu noqdaan midnimo iyo ku shaqeynta cadaalad dhab ah.

Musharax Shaale ayaa sidoo kale sheegay in xildhibaanada ay u bahan yihiin dhalinyaro wax badan ka badali doona doorashada.

Gen. Shaale ayaa sheegay in Puntland u baahan tahay is badal dhab ah si loo helo sinaan iyo cadaalad.