Haweenay lagu Kufsaday qaybo kamid ah gobolka Mudug oo Dad loo xiray

0

Deegaanka Garacad ee degmada Jariiban gobolka Mudug ayaa Sanadkaan gaba gabada ah 2018 waxaa waxaa ka dhacay Dhowr kufsi kuwaasoo qaar kamid ah xubnaha dawlada Saldhiggay.

Deegaanka Garacad ayaa lagu Kufsadday Haweenay taasoo dhawacyo xun la gaarsiiyey sida ay sheegayaan dadka deegaanka waxaana gabadhaasi maanta loo qaaday degmada Jariiban ee laga xukumo deegaanka Garacad si loogu daweeyo,Baaritaana lagu sameeyo.

Haweenayda Kufsiga lagu sameyey ayaa la sheegay inay ahayd Hooyo Caruur leh wararka aan helyano gabadhii Kufsiga iyo Jirdilka lagu sameeyey ayaa dhaqaatiirtu ay sheegeen inay xaaladeeda aad u adagtahay isla markaana waxaa loo gudbiyey degmada Gaalkacyo ee magaalo madaxda gobolka Mudug si adeeg caafimaad oo dhamaystiran ay u hesho.

Qaar kamid ah dadka deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa sheegay in la qabtay Rag la sheegay inay ka danbeeyeen Kufsiga gabadha mid kamid ah Balse gabadhu waxay sheegtay in Rag Badan ay isaga danbeeyeen mid kamid ah ayaana gacanta lagu dhigay sida ay noo xaqiijiyeen Ehelada Gabadha la Kufsaday.