Dowladda Turkiga Oo Taageero Cusub U Balan Qaaday Soomaaliya

0

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka Turkga u fadhiya Soomaaliya Amb: Mehmet Yilmaz.

Wasiirka Cadaalada Soomaaliya iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira hormarinta Hay’adaha cadaalada Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka oo ay wehliyaan mas,uuliyiin kale oo Wasaaradda ka tirsan ayaa markii uu xafiiska ku soo dhoweeyay safiirka waxaa uu tusay oo uu uga sheekeeyay maab muujinaya howlaha shaqo ee wasaaradda, sidoo kale waxaa ay mas,uuliyiintu kormeereen xafiisyada shaqada ee Wasaaradda oo markaas ay ka socdeen howlaha shaqo ee bulshada loo hayo.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa waxaa ay isla soo qaadeen intii uu socday kulankoodu sii xoojinta iskaashiga labada dal iyo sidii dowladda aan walaalaha nahay ee Turkigu wasaaradda uga gacan sii lahayd sare u qaadista horumarinta hay’adaha cadaaladda dalka iyo adeega garsoor ee bulshada Soomaaliyeed u baahan tahay.

“Waxaan ka wada hadalnay labada dal xiriirka wanaagsan ee ay leeyihiin qaas ahaan waxaan uga wada hadalnay bahda cadaaladda waxaan isku af garanay in la xoojiyo bahda cadaaladda iyaguna waxii ay ka qayb qaadan karaan ay nagu gacan siiyaan waxaan uga warbixinay in bahda cadaaladu meel wanaagsan mareyso dib u eegista sharuucda badankoodu ay socdaan maxkamadahana lagu sameeyay dib -u eegis waxaa ay aad iyo aad u daneynayeen in garsoorka Soomaaliya uu meel fiican marayo anaguna waan u sheegnay” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji.

Mehmet Yilmaz Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya ayaa wasiirka u balan qaaday in dowladiisu ay sii xoojin doonto taageerada dhinacyada badan ee ay siiso dhanka garsoorkuna uu noqon doono mid ay muhiimad weyn siiso,waxaana kulankoodu uu ku dhamaaday jawi qurxoon.