Dil Goordhow Ka Dhacay Xaafad Ka Tirsan Muqdisho

0

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado  ayaa gudaha Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada dowlada Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in dilka uu ka dhacay Xaafadda Horseed ee Demada Waabari,isl markaana ragg hubeysan ay toogteen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada dowlada Soomaaliya.

Sarkaalka ka dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gaashaanlle dhexe Cabdi Maxamed Culusow,waxaana durbo goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay dilkiia.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa goobta uu dilka ka dhacay gaaray,iyagoo halkaasi ka qaaday Meydka  sarkaalka ka dilay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in goobta ay ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu falkan u dhacay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhacay dilal qorsheysan,kuwaasi oo loo geysto askarta ka tirsan Ciidamada iyo dadka shacabka ah