Cabdi Qeybdiid Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Korneyl Ruush

0

Gudoomiyaha gudiga dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal BFS Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa Tacsi ka diray Geeridii ku timid Allaha unaxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle oo ku magac dheeraa (Korneyl Ruush)

Senator Qeybdiid ayaa sheegay in Marxuumka uu howlo badan u soo qabtay dalka,i slamarkaana uu ka mid ahaa Guddiga Dastuurka ee Golaha Shacabka.

Sidoo kale Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) gudoomiyaha gudiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in maanta Aas Qaran loogu sameynayo Marxuumka gudaha magaalada Muqdisho.

Allaha u naxriistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Korneyl Ruush) ayaa haatan ka mid ahaa Baarlamaanka 10-aad, waxaana uu  sidoo kale ka tirsanaa Baarlamaankii 9-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya.