AKHRISO:- Guddoomiye Cusub Oo Loo Magacaabay Degmada Cabdicasiis

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa guddoomiye Cusub u Magacaabay Degmada Cabdicasiis.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Yariisow ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis loogu Magacaabay Ismaaciil Muqtaar Oronjo.

Ismaaciil Mutkhtar Oronjo ayaa waxa uu kamid ahaa Shqaalaha Wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.