Xubno Ka Tirsanaa Al Shabaab Oo Lagu Dilay Degmada Jilib

0

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Howlgalka ayaa la sheegay in laga fuliyay Xarun tababar oo Al Shabaab ay ku lahaayeen gudaha magaaladaasi.

Taliyaha qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay warbaahinta sheegay in Ciidamada Danab oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ay weerar qorsheysan ay ku qaadeen xarun tababar oo Al Shabaab ay ku lahaayeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Taliye Bogmadow waxaa uu sheegay khasaaro dhimasho iyo dhaawac Al Shabaab lagu gaarsiiyay weerarkasi.

Ku dhawaad 30 xubnood iyo 4 hoggaamiye oo ka tirsanaa Al Shabaab ayaa lagu dilay weerarkan, sida uu hadalka u dhigay Taliye Bogmadow

General Bogmadow ayaa Tilmaamay in xubnaha lagu dilay weerarka ay ka mid yihiin labo hoggaamiye oo Ajaanib ah

Magacyada xubnaha Ajanibta ah ee lagu dilay howlgalka iyo dalalaka ay ka soo jeedaan ayaa kala ah Aweys Abu Xamza oo heesta dhalashada Dalka Suuriya , Hassan AlQayaadi (Abu Yaxya) ayaa heesta Dhalashada Dalka Liibiya isagoona ka mid ahaa ragga ugu sareeya Al Shabaab

Saldhigga la weeraray ayaa ka mid ahaa xarun lagu tababaro xubnaha fuliya isqarxinta waa sida lagu yiri warkan.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in saldhigga la duqeeyay uu ka mid ahaa goob Al Shabaab ay ka soo abaabulaan weerarada qaraxyada ah

Majiro wax war ah oo ka soo baxay Al Shabab oo la xariira weerarkan laga fuliyay dagmada jilib gobolka Jubbada Dhexe ee K/ Soomaaliya.