Weerarkii Lagu Dilay Guddoomiye Ku Xigeenkii Degmada Matabaan

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar jidgal ah oo lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Maxaas iyo Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiraan,waxana lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere) iyo Saddex askari oo lka mid aheyd ilaaladiisa.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa ka tegay degmada Maxaas,waxaana uu kusii jeeday Magalada Baladweyne,hayeeshee rag hubeysan ayaa la sheegay inay ka rasaaseeyeen gaarigii uu watay,isla markaana dilka kadib ay qaateen Gaarigii iyo hubkii uu watay.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa,hayeeshee wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyo beeleed ay dileen.