SAWIRRO:-Wasaaradda Beeraha XFS oo aqoon is-weydaarsi ku saabsan badbaadada dhirta ku qabatay Muqdisho

0

Aqoon is -weedaarsigan oo ku saabsanaa macluumaad kala qaadashada iyo ka doodida qaabka ugu wanaagsan ee looga shaqeyn karo ansixinta sharciga istiraatijiyada Qaran ee badbaadada dhirta ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradd Beeraha iyo waraabka Xukuumadda Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha guud iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaarada Beeraha, Xubno ka socday maamul goboleedyada, aqoonyahano iyo qubaro ku xeel dheer Beeraha.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Soomaaliya Xaamud Cali Xasan oo daahfuray Aqoon is –weedaarsiga Ayaa sharaxay muhiimada uu xambaarsanyahay shraciga badbaadada dhirta oo uu ku tilmaamay mid aad loogu baahanyahay.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Beeraha Maxamuud Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in Sharcigan uu horseedi doono xakameynta waxyaabaha dalka soo gala ama laga dhoofiyo.

Sharciga badbaadada dhirta oo laga shaqeynayey mudo dheer ayaa dhawaan la horegeyn doonaa golaha sharci dejinta, iyadoo hadii ay meel mariyaana laga faa’iidi doono waxyaabo badan oo ay ka mid tahay koontaroolida iyo la socodka fayadhoorka waxyaabaha dalka soo gala ama ka dhoofa.