SAWIRRO:-Hogaamiyaha Jubbaland Oo Amar Siiyay Ciidamo Loo Diyaariyay Dagaal Ka Dhan Ah Al-Shabaab

0

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kormeer ku tagay qaar kamid ah Xarumaha Ciidamada Nabadsugida Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa Askarta iyo Sarakiisha uu halkaas kula kulmay ku booriyay in ay laban laaban dadaalkooda iyo u diyaar garoowgooda howlgalada socda ee la isugu furayo Magaalooyinka xorta ah kuwa maqana dib loogu xoraynayo.

Hogaamiyaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Al-Shabaab ay awood ahaan aad u liitaan oo aysan hor istaagi karin Ciidamada howlgalada bilaabay loona baahan yahay in la sii xoojiyo oo si dardar leh loo wado.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Shacabka wali ku jira gacanta Al-shabaab ay hiil uga baahan yihiin lana joogo wakhtigii xoriyada looso celin lahaa ayna ku noolan lahayeen nolol aan cabsi lahayn.