Madaxweynaha KGS Oo Ka Hadlay Geerida Xildhibaan Ka Tirsanaa Maamulkaas

0

Madaxweynaha Dowlad Giboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane. C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa guud ahaa Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka KGS iyo Ehelada Xildhibaan Khayre Maxamed Axmed uga tacsiyadeeyay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Xildhibaanka, kaasi oo xanuun hayay dartii maanta ugu geeriyooday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Madaxweynaha ayaa Eebe uga baryay in uu ugu bishaareeyo Janada fardowsa, qoyskiisa iyo qaraabadiisana samir iyo iimaan ka siiyo, Aamiin.

Allaha u naxariistee Ex Xildhibaan Kheyre Maxamed Axmed ayaa xaalad caafimaad darteed loo keenay Magalada Muqdisho,hayeeshee ugu dambeyn uu saakay ugu geeriyooday Magalada Muqdisho.