Guddoomiye Cusub Oo Loo Magacaabay Degmada Yaaqshiid

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa guddoomiye Cusub u Magacaabay degmada Yaaqshiid.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Yariisow ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid loogu Magacaabay Cabduwali Cabdullaahi Maxamed.

Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan (Geedow) ayaa dhawaan Shaqa joojin lagu sameeyay kadib markii lagu eedeeyay in uu ku kacay fal la xiriira musuq maasuq.

Guddoomiyaha Cusub ee loo Magacaabay degmada Yaaqshiid ee Cabduwali Cabdullaahi Maxamed ayaa horay u ahaa Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab ee gobolkaan Banaadir.