DHAGEYSO:-Madaxweynaha K/galbeed Oo La Kulmay Waxgaradka Xudur

0

Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa xalay kulan la qaaday mas’uuliyiinta, waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan degmada Xudur ee xarunta G/Bakool.

Kulankan ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray baahiyaha kala duwan ee ay qabaan shacabka gobolkaasi.

Madaxweyne Lafta gareen oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maamukiisu uu wax badan ka qaban dono dhibaatooyinka ka jira gobolka Bakool.

Shalay ayey aheyd markii uu wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha cusub ee K/ Galbeed uu gaaray magaalada Xudur oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi.