Akhriso:-Hogaamiyaha Jubbaland oo magacaabay guddoomiyaha gobolka Jubbada Dhexe

0

Hogaamiyaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”ayaa wareegto uu soo saaray ugu magacaabay guddoomiyaha gobolka Jubbada Dhexe  Haajir Bile Sugaal.

Wareegtadan oo soo baxday ayaa waxaa ay ku soo beegantay xilli uu Hogaamiyaha Jubbaland ku dhowaaqay inuu dagaal ku qaaday deegaanada ay ururka Al-Shabaab maamusho oo ka tirsan Maamul Goboleedka Jubbaland.

Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa gebi ahaanba maamula ururka Al-shabaab iyadoo saldhigyada ugu waaweyn ee Al-Shabaab ay ku yaalaan gobolka Jubbada Dhexe.

Dowlada Federalka ayaa sheegtay maanta in howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada DANAB iyo ciidamo Maraykan ah ay howlgal ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayna ku dileen saraakiil isugu jirta Soomaali iyo ajnabi oo ka mid ah madaxda ururka Al-Shabaab.