DHAGEYSO:- Ciidamo la dhex dhigay Malsheeyadka ku dagaalamaya Galgaduud

0

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa dagaal beeledyo ay ka dhacayeen deegano ka tirsan gobolka Galgaduud,waxana Gelinkii dambe ee Maanta la kala dhex-dhigay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa u sheegay Radio Dalsna in maleeshiyaadkii dagaalamay la kala dhex-dhigay Ciidamo si dagaalka uusan u sii socon.

Taliyaha Guutada 52–aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal. Qeybta 27aad JanaraalAxmed Maxamed Maxamuud (Tareedisho) ayaa sheegay in iyaga oo fulinaya Amarka Madaxweynaha iyo taliyaha xooga ay Ciidamo geeyeen goobihii maleeshiyaadka ku dagaalameen ee deegaanka Kaxan-dhaale.