Wasiirka cusub ee Howlaha Guud oo la dhaariyay

0

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha guud iyo Dib u dhiska XFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay xilkii dhawaan loo magacabay,si uu u guto waajibaadkii loo igmaday.

Xafladda dhaarinta waxaa goob joog ka ahaa xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya,waxaanalagula dardaarmay wasiirka in uu si hufan u guto waajibaadka ka saran u adeegista bulshada.

Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa dhawaan loo magacaabay xilka wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-udhiska Xukuumadda Soomaaliya.