SAWIRRO:-Ku-Xigeenka Ergayga Midowga Afrika Ee AMISOM Oo Booqday Isbitaal Ku Yaalla Xerada Xalane

0

Ku-xigeenka Ergayga Khaaska ee Ururka Midowga ee Arrimaha Somalia iyo Hawlgalka AMISOM,  Simon Mulongo waxa uu soo booqday Askarta Ciiddanka AMISOM ee dhaawacan iyo dadka rayidka ee lagu daaweynayo Isbitaalka AMISOM 2  oo ku yaalla Xarunta Xalane ee magaalladdan Muqdisho.

Mas’uulkaasi oo uu socdaalkiisa ku wehliyey Taliyaha Cusub ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, Sarreeye Guuto Michael Kabango waxa uu deeq gaarsiiyey dadka Bukaanka ah, wuxuuna u rajeeyey inay ka soo kabtaan dhaawacooda.

Simon Mulongo waxa uu Dhakhaatiirta Isbitaalkaasi uga mahad celiyey  daryeelka wanaagsan ee ay u fidiyaan Bukaanadda, wuxuuna intaasi ku daray inay AMISOM sii wadi doonaan in wax laga qabto caqabadaha soo wajaha Isbitaalka, si loo dhowro tayada Adeegga Cafimaadka.