DHAGEYSO+SAWIRRO:-Madaxweynaha Puntland oo Si Baladhan loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Garoowe

0

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha oo safar ugu maqnaa Dalka Kenya ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayey Marwada Madaxweynaha Drs. Hodon Siciid Ciise iyo Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir Guddoomiye ku xigeenda 1aad iyo 2aad ee Golaha wakiilada Dowladda Puntland, qaar kamida goleyaasha Dowladda Puntland, maamulka Degmada Garoowe iyo kan Goblka Nugaal, Saraakiisha ciidanka Gobolka ganacsato, iyo dad wayne aad u farabadan oo qayb ka ahaa soo dhoweynta Madaxweynaha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay qaybta VIP ee Gen. Maxamed Abshir Airport ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa”

“Waxaan Safar shaqo oo mudo 5 bari ah ugu maqnaa Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya, gudoonka baarlamaanka iyo maamulka gobolka, kan dagmada iyo shacabka garoowe aad bay ugu mahadsanyihiin soo dhowyenta balaadhan ay noo sameeyeen, waan ku faraxsanahay inaan ku soo laabto dalkii oo nabad ah, insha allah hawshu hasocoto waxaan gaari doonaa 8 Janury guul iyo xasilooni iyo dalka oo doorsho xaalaal ah ka dhacdo insha alah wan guulaysanynaa” ayuu yiri Madxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Ugu danbeyn Madxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa banaanka garoonka diyaaraha ee Gen. Maxamed Abshir salaan kula dhexmaray boqolaal shacabka caasimada Puntland ee Garoowe oo u soo baxay soo dhaweynata Madaxweynaha Dowladda Puntland.