DHAGEYSO:-Waxgarad Ku Eedeeyay Maamulka Hirshabelle In Ay Ku Lug Leeyihiin Colaad Beeleedka Ka Aloosan Degmada Maxaas.

0

Nabadoon Cismaan Cumar Jimcaale oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda mid ka mid ah beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay deegaanno hoostaga degmada Maxaas ayaa sheegay in Ciidamo kuwa maamulka Hirshabelle ka tirsan ay ka qeyb qaateen dagaalkaasi.

Mar aan wax laga weydiinay Nabadoon Jimcaale waxa uu ku cadeynayo eedeymihiisa ka dhanka ah maamulka Hirshabelle ayuu hoosta ka xariiqay in ay indhahooda ku arkeen Meydadka Ciidamo kuwa maamulka Hirshabelle ka tirsan oo qeyb ka ahaa dagaalka halkaas ka dhacay.