Akhriso:-Wasiirka Maaliyadda iyo Guddiga Maaliyada B/S oo Kulmaya

0

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya Cabdi Raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta lagu wadaa inuu kulan la qaato Xubnaha Guddiga Maaliyadda Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.

Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka iyo Wasiirka Maaliyada ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan Sidii ay ka  yeeli lahaayeen Miisaaaniyada Sanadka 2019-ka oo la filayo in dhamaadka sanadkan loo gudbiyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya si ay u meel mariyaan.

Maalin  ka hor ayay aheyd markii dib u habeyn  lagu sameeyay Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana uu dib u habeyn uu ku sameeyay Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan.

Sidoo kale ayaa waxaa ay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya doorteen Gudoomiye iyo ku xigeenka.

Xubnaha la doortay ayaa waxaa ka mid ah:-

Xildhibaan Maxamuud Siraaji ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Xildhibaan Aamino Sheekh Cusmaan ayaa loo doortay guddoomiye ku xiggeenka guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Xildhibaan Aadan Cali Xasan ayaa loo doortay Xoghayaha guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.