Akhriso:-Wasaarada Caafimaadka oo la wareegtay Isbitaalka Banaadir

0

Warqad kasoo baxday wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda soomaaliya ayaa lagu sheegay inay kula wareegtay gacan ku heynta isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.

Isbitaalkaan ayaa indhawaale waxaan gacanta ku hayay hay,adaha caafimaadka ka shaqeeya ee adduunka ka howlaga.

Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda soomaaliya ayaa sheegtay iyada oo la fulinayo siyaasadda xukuumadda soomaaliya ee kaga aadan adeegyada caafimaad ee shacabka soomaaliyeed ay suurta gelisay in si toos ah ay ula wareegaan maamulka isbitaalka banaadir islamarkaana ay bedalaan qaab dhismeedka isbitaalkaasi.