SAWIRRO:-Duqa Muqdisho Oo La Kulmay Duqa Caasimadda Dalka Switzerland

0

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa booqday Xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Bern ee Caasimadda Dalka Switzerland.

Duqa Caasimadda dalka Switzerland Mudane Alec Von Graffenried oo Xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay muhiim tahay xoojinta xiriirka labada caasimadood ee Soomaaliya iyo Switzerland, isagoona warbixin ka siiyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Dhankiisa, Duqa Muqdisho ayaa uga mahad-celiyey dhiggiisa magaalada Bern marti gelinta iyo soo dhaweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayey oo dalkaas Switzerland kaga qeyb galay shirweynaha Qaramada Midoobey ee Arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha.

Eng.Yarisow ayaa la wadaagay Maamulka Dowladda Hoose ee Caasumadda dalka Switzerland horumarka ka socda Gobolka Banaadir, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha lagu tayeynayo shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, isagoona u bandhigay dhiggiisa magalaada Bern in ay uga faaiideeyaan Muqdisho khibradda iyo awoodda shaqo ee ay u leeyihiin ilaalinta deegaanka, bilicda, fududeynta isu socodka gaadiidka, dhismaha jidadka iyo dhawrista faya dhawrka.

Labada Duq ayaa isku afgartay dhammaan qodobbadii ay ka wada hadleen, waxa ayna isla qaateen Joogteynta wada shaqeynta Maamullada Dowladaha Hoose ee Xamar iyo Bern, iyadoona Eng.Yarisow uu u fidiyey marti qaad rasmi ah dhiggiisa Mudane Alec Von, kaas oo aqbalay in uu booqasho ku yimaado Muqdisho.