DHEGAYSO:- Goobjooge sharaxaya qaraxyadii muqdisho

0

Waxaa socda baaritaano ku aadan sidii loo xaqiijin lahaa qaraxyadii Maanta ka dhacay Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa 1aad ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka kasoo horjeedka Madxafka Qaranka,waxaana ku dhintay in ka badan 10 Ruux oo uu ku jiro Wariye Cawil Daahir Salaad oo kamid ahaa Wariyeyaasha Tv-ga Universal.

Sidoo kale daqiiqado kaidb ayaa qarax labaad waxa uu ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere,waxaana jira khasaaro ka dhashay qaraxaas,hayeeshee aan weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

Laamaha Amniga Soomaaliya weli kama hadlin qaraxyada ka dhacay Magalada Muqdisho,waxana mas’uliyadda labada qarax sheegtay Al-Shabaab,iyaga oo sheegay inay ku dileen Saraakiil iyo askar.