NISA Oo Shaacisay Inay Gacanta Ku Dhigtay Xubin Ka Tirsan Al-Shabaab

0

War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa waxaa lagu shaaciya in gacanta lagu dhigay xubin muhiim ah oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Ammaanka ay gacnata ku dhigeen Xubin ka tirsan Al-Shabaab  oo madax ka ahaa Xarun qarsoon oo walxaha qarxa Gawarida lagula xiro.

“Ciidanka  NISA ayaa gacanta ku soodhigay dhagarqabe amniga Al-shabab katirsan, oo madax ka ahaa xarun qarsoon oo walxaha qarxa gawaarida lagula xiro. Shakhsigan ayaa sidoo kale cagajuglayn baad uga qaadi jiray qeyb ka mid ah dadka dagan Magaalada Muqdisho.

NISA mashaacin Magaca shaqsiga ay soo qabteen iyo halka uu ka dhacay holwgalka Ninkaasi lagu soo qabtay,hayee inta badan ay soo qabashada Xubnaha ka tirsan Shabaab iyo Daacish ay ku faafiyaan Bartooda twitter-ka.