DHAGEYSO:-Al shabaab oo Ku Dhawaaqay In la Toogto Qof Walba oo Daacish Ah iyo Cali Dheere oo Sir Badan Bixiyay

0

Bayaan ka soo baxay hogaanka sare ee Xarakada Al Shabaab ayaa looga hadlay dhibaatooyinka kooxda Daacish ay ku soo kordhisay Jihaadka aloolayaasha Soomaaliya.

Bayaanka kasoo baxay Al shabaab ayaa waxaa akhriyey afhayeenka garabka Alqaacida ee Somaaliya Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) waxuuna ugu horeyn ka hadlay dagaalka xoogan ee kala dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom.

Afhayeen Sheekh Cali dheere Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri:

“Hadaba iyadoo ay sidaas xaaladu tahay, Walaalaha ay cadowga kula halgamayaan goobwalba oo ay isaga hor yimaadaan una dulqaadanayaan culeyskaas ay kala kulmayaan cadowgaas isa soo baheystay ayaa waxaa soo ifbaxay koox isugu yeertay Dowlada Islaamiga, taas oo durbaba bilowday in ay safkii Walaalaha kala jabiyaan fitno iyo tafaraaruqna ka dhex abuuraan, iskuna dayaan in ay kala dhantaalaan awoodda iyo cududa Mujaahidiinta u mideysan la dagaalanka cadowga Allaah”. Ayuu yiri Afhayeenka Al shabaab.

 

Hogaamiye Cali Dheere ayaa Sido kale ka hadlay Xadgudubyo Daacish ay ka sameeyen Somaaliya.

“Anagu haddii aan nahay Al shabaabka ka dagaalama Soomaaliya, wax badan ayaan indhaha ka laabanay dhibaatada ay kooxdaasi waday, wax badana waan u sabarnay marka laga reebo dhacdooyin kooban oo aan dulmigooda isaga leexineynay anagoo rajo ka qabnay in ay dib u xisaabtamaan kana soo laabtaan wadada baadida ah ee ay ku sii socdaan balse sabarkeena waxay ka sii qaadeen madax adeyg, colaad iyo inay dulmigii ay wadeen ku sii taraxtagaan” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

 

Wuxuu sheegay in ay Al shabaab u kuurgashay dadka kooxdaas ka tirsan ee Soomaaliya jooga, islamarkaana xaaladahooda si qotodheer loo dabagaleen, wuxuuna sheegay inay yihiin shakhsiyaat ku caanbaxay beenta, ballan la’aanta, dhagar badan, amaanada khiyaana oo gaaleysiiya dadka cilmiga iyo jihaadka lagu yaqaano, islamarkaana doonaya in ay soo nooleeyaan qabyaaladii ay Mujaahidiintu tirtreen. Sheekh Cali Dheere ayaa sido kale soo hadal qaaday iney jiraan rag katirsan daacish oo ku caanbaxay jaajuusnimo, Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri:

“waxay sidoo kale kooxdan gabaad u noqotay Jawaasiista, mufsidiinta, munaafaqiinta, iyo inay xiriir hoosaadyo la leeyihiin maamulada dowladda, Arintaasna waa mid cad. cid waliba oo midnimada Mujaahidiinta darteed fursad u heli weysay in ay howlo basaasnimo ka dhex sameyso Mujaahidiinta iyaga ayey ku soo hoos gambatay. In badan oo ka mid ahaa dadkii fasahaatka iyo dhagaraha lagu yaqiinayna iyaga ayey hoos galeen, cadowgana waxay u fududeeyeen u jeedooyin uu waxbadan ku taamayey balse ay Al shabaab fursad u siin waayeen inay fushadaan”.

Afhayeen Cali dheere ayaa sheegay in arinta intaas ka weyn ay tahay in kooxdan ay isku dayday inay dilal qorsheysan iyo dabino dhagareysan ka fuliso meelaha ay maamusho Al shabaab, isagoo sheegay in ay gacanta ku dhigeen canaasir ka tirsan Daacishta Soomaaliya oo maleegayey dilal qorsheysan oo lagu beegsanayo hogaanka iyo Ciidamada Al shabaab.

Go’aanka Hogaanka Al-Shabaab
Cali Dheere ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay go’aan rasmiga ah ee hogaanka sare ee shabaab ka qaatay kooxdan waxaana uu yiri:

“Hogaanka sare ee Xarakada Al-Shabaab wuxuu ku amrayaa dhamaan ciidamada Xaramada iyo wilaayaatka hoos yimaada Al shabaab inay si adag kaga hortagaan cudurkaas dillaaga ah ee soo dhexgalay safka Dagaalka soomaaliya, xididadana u siibaan dulmigaas aanan geedka loogu soo gaban ee lagu doonayo in lagu majaxaabiyo mirihii halganka ee aan ku soo bixinay dhiiga kumanaan Shuhado ah” ayuu yiri. Afhayeenka Xarakada Al shabaab.

Bayaanka kasoo baxay Al shabaab ayaa waxaa la dhageysan karaa muddo 29 daqiiqo ah, waxaana ay imaaneysaa xili maalmo ka hor kooxda daacish ay soo bandhigtay Video Muujinaya dagaal deegaanka Qandala ku dhax maray Daacish iyo al shabaab.