AKHRISO:- Guddoomiyeyaashii degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo Burde oo xilalka laga qaaday

0

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabelle, Maxamed Cali Caadle ayaa sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis laba kamid ah degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula Burde ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyihii degmada Jalalaqsi iyo kuxigeenkiisa ayaa la isku kala bedelay, waxaana mas’uulkii ku magacawnaa xilka Guddoomiye kuxigeen loo dalacsiiyay Guddoomiye, halka kii Guddoomiyaha ahaa laga dhigay Guddoomiye kuxigeen, taasoo ah mid layaab ah

Ibraahim Maxamed Nuur oo ahaa Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa xilka laga qaaday, waxaa loo magaxaabay Guddoomiye kyxigeenka dhinaca siyaasadda, halka Maxamed Nuur Cagajoof loo magacaabay Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi.

Sidoo kale waxaa wareegtada Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle lagu magacaabay Giddoomiyaha degmada Buulo Burde, kaddib markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii degmadaas Cabdi Daahir Guure (Karoore)

Waxaa Guddoomiyaha degmada Buulo Burde loo magacaabay C/casiis C/llaahi Cabdi, halka Kuxigeen loo magacaabay Cismaan Geeddi Cilmi

Wasiir Caadle, ayaa inta badan shaqadiisa waxa ay ku soo koobantay magacaabis iyo xilka qaadis joogta ah oo kaliya ku wajahan Gobolka Hiiraan iyo degmooyinkiisa