AKHRISO:- Baarlamaanka Itoobiya Oo Ansixiyey Guddi Xalliya Khilaafka Qawmiyadaha

0

Baarlamaanka Ethiopia ayaa ansixiyey xeer muran badan dhaliyey oo Raysal Wasaare Abiy Ahmed u oggolaanaya in uu dhiso guddi xalliya khilaafaadka ka dhasha haybta iyo aqoonsiga iyo sidoo kale muranka dhanka xuduudaha ee maamul goboleedyada.

Qaar kamid ah xubnaha baarlamaanka ayaa si xooggan uga horyimid, kuwaas oo sheegay in tallaabadani ay tahay mid aan dastuurka waafaqsanayn.

Guddigan ayaa ugu dambayntii lagu ansixiyey cod aqlabiyad leh.

In kabadan 1.4 Malyan oo qof ayaa haatan barakacay sababo la xiriira ismaaandhaafka isirka ku salaysan ee dalkaas ka taagan.

Guddigan cusub ee arrimaha aqoonsiga iyo xuduuddaha ayaa hawshiisu noqon doontaa in ay baadhitaan ku sameeyaan waxyaabaha sababa khilaafka noocaan ah iyo in ay arrintaas xalkeeda la wadaagaan sharci dajiyeyaasha dalkaas.

Inta badan xildhibaanada mucaaradka ah ayaa ka soo jeeda beelaha laga soo doorto gobolka Tigreega ee waqooyiga dalka, kuwaas oo aaminsan in gobolkooda aanay ka hirgalin tallaabooyinka isbaddalka ah ee uu wado Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed marka loo eego qaybaha kale ee dalkaas.