Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Oo Sameeyay Xilka qaadis

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Maanta xilkii ka qaaday guddoomiyeyaasha laba ka mid ah degmooyinka Gobolka Hiiraan.

Laba Wareegto oo kasoo baxday Wasiirka xafiiskiisa ayaa waxaa xilkii looga qaaday guddoomiyeyaashii degmooyinka jalalaqsi iyo Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.