TOP NEWS:-Guddoomiyaha Baarlamaanka oo war ka soo saaraya Mooshinka laga keenay Madaxweynaha

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu war ka soo saaray mooshinka muranka badan dhaliyay ee 9-kii bishan laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Xog aan helayno ayaa sheegaysa in Guddoomiye Mursal uu ku dhawaaqi doono in Mooshinka laga keenay Madaxweynaha laga laabtay, kaddib markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ka laabteen.

Wararka laga helayo dadka ka ag dhaw gudoomiye mursal ayaa sheegaya inuu kulamo la leeyahay Xildhibaanadii mooshinka ka keenay Madaxweynaha, waxaana kulanka kaddib laga soo saari doonaa war saxaafadeed.