Magaalada Baydhaba oo laga xusay Maalinta Booliska Soomaaliya

0

Waxaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 20 Dec 2018-ka, laga xusay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koofur galbeed, 75-guuradii kasoo wareegatay markii la asaasay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Munaasabaddii xuskan, ayaa waxaa ka qayb galay, Guddoomiyaha Baarlamanka Koofur galbeed ee Soomaaliya, C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiirka amniga ee KG, Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) , taliyaha qaybta Boliiska Gobolka Baay, Mahad C/raxmaan Aaden, Guddoomiyeyaasha Gobolka, kan Degmada iyo Mas’uuliyiin kale.

Taliyaha qaybta Boliiska Gobolka Baay, Mahad C/raxmaan Aaden, ayaa sheegay inay Ciidanka Boliiska iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeedba ahmiyad aad u weyn u leedahay xuska Maalinta 20 Dec, taasoo ah markii la unkay Boliiska Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamanka maamulka Koofur galbeed, ayaa hambalyo diirran u diray , taliyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada , debleyda iyo guud ahaa Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna Shacabka ka codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan, isagoo Boliis la’aan ku tilmaamay meel ayan nabad jirin.