AKHRISO:- Madaxda Sare ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo ka bixi la’ safaro

0

Madaxda dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa noqday maamulka ugu safarada badan marka la barbardhigo maamul goboleedyada kale ee dalka, iyadoo saddex mas’uul ee ugu sareeya ay haatan ka maqan yihiin deegaanada Hirshabelle.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne ku xigeenka Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa safari dibadda ugaga maqan dalka halka uu guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cismaan Barre iyo ku xigeenkiisa koowaad Cabdi Xuseen Geedi ay joogaan caasimada dalka ee Muqdisho.

Enjineer Xasan Nuur Daahir oo ka mid ah aqoonyahanada Hirshabelle ayaa sheegay in ka maqnaanshaha dowlad goboleedka ay ka maqan yihiin madaxda ugu sareysa ay abuuri karto dib u dhac ku yimaada dowlad goboleedka Hirshabelle.

Labadii toddobaad ee ugu dambeysay ayaan la qaban shirka golaha wasiirada iyadoo inta badan Golaha Wasiirada ay ka maqan yihiin xarunta Hirshabelle ee magaalada Jowhar.

Dadka ku nool caasimada Hirshabelle oo rajeynayay in isbedel badan uu ku imanayo magaalada ayaa sheegaya in aysan dareemin horumar balse uu ku yimid dib u dhac mashaariicdii laga hirgelin jirey gobolka.

Dhinaca ammaanka ayaa hoos u dhac uu ku yimid deegaanada ku xeeran caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle waxaana Isniintii aynu ka soo gudubnay lagu diley deegaanka Gamboole oo ururka Alshabaab gacanta ku hayo nin dhalinyaro ah oo ka tirsanaa ciidamada milatariga kadib markii ay dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay ka qafaasheen inta u dhexeysa deegaanada Qalimow iyo Gololey bartamihii bishii laga soo gudbay.