Akhriso:-Dil ka dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha

0

Koox hubeysan ayaa nin ka mid ah ganacsada Suuqa bakaaraha qeybta Qudaarta waxaa ay ku dishay Goob ganacsi oo uu ku lahaa agagaarka Masaajidka Cowska ee Suuqa-bakaaraha.

Ciidanka Amniga ayaa hada goobta gaaray, wali lama qaadin meydka Ninkaasi oo aan ilaa hada la garaneynin sababa ka dambeeyay dilkiisa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Amaanka Ay goobta soo gaareen, kuwaa oo sameynaya howlgalo lagu soo qab qabtay dhalinyaro looga shakisan yahay iney wax ka ogaayeen dilka ninkaasi la sheegay inuu kamid ahaa ganacsatada Suuqa Bakaaraha.