SAWIRRO:-Kooxda Daacish Oo Soo Bandhigtay Hub Ay Sheegeen Inay Ka Qabsadeen Al-Shabaab

0

Wakaalladda Wararka u faafisa Daacish ee AMAQ ayaa soo bandhigtay Video ay ku sheegeen inuu yahay dagaal ay Alshabaab bishan 16-dii kula galeen Tuulladda Bir Miraali oo ka tirsan Degmadda Qandala ee Gobalka Bari ee Somalia.

Wargeyska Long War Journal ee ka soo baxa Maraykanka waxa uu Video-ga ay Warbaahinta Daacish ee AMAQ shaacisay u soo bandhigeen qaab sawireedka loo yaqaano Screenshots.

Maleeshiyadda Daacish-ta Somalia waxay Video-gaasi ku soo bandhigeen waxa u muuqday  inay ku jireen dagaal kooban iyo maydadka 4 qof iyo ugu yaraan 8 qoryaha fudud ee AK 47.

Iska-horimaadka Alshabaab iyo Maleeshiyadda Kooxda Daacish-ta Somalia bishan 16-dii ku dhex maray Tuulladda Bir Miraali ee duleedka Degmadda Qandala ayaa ah Weerarkii ugu horreysay ee ay Daacish-ta ku sugan Puntland sheegtaan inay dagaal toos ah la galeen Alshabaab.

Sidoo kale, Muuqaalka Video-ga ee ay Wakaalladda Wararka Daacish ee AMAQ baahisay ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee ay ka duubaan iska horimaadyada ay la galaan Alshabaab, isla markaana ay Caalamka u soo bandhigaan.