DHAGEYSO:- Xildhibaano ku baaqay in doorashadda koonfur galbeed dib loo dhigo

0

Waxaa Maanta Kulan ku yeeshay Magalada Muqdisho Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee kasoo jeeda deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed,iyaga oo kulankooda uga hadlayay xaaladaha kasoo cusboonaaday deegaanada Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay faragelin ku heyso doorashooyinka Koonfur Galbeed,isla markaana looga baahan yahay inay faraha kala baxdo.

War-Saxaafadeedeed ay soo saareen kulankooda kadib ayaa waxa ay soo saareen dhowr qodob oo kala ah.

1: Marka hore waxa ay tacsi u direen dadkii ku geeriyooday banaanbaxyadii rabshadihii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.