DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Aqalka sare oo sheegay in la xaliyeey Khilaafki Golaha Wakiilada

0

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii dalka Turkiga uu kaga soo qeyb galay shir loogu magacdaray “Masjidul Qudus”kaasi oo looga hadlayay arrimaha Falastiiin iyo caasimadda Qudus.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa markii uu yimid Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay xalka laga gaaray Khilaafkii u dhexeeyay Guddoonka ugu sarreya Golaha Shacbaka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo sababay in ay hakadaaan Shaqooyinkii Golaha Shacabka.

Waxa uu Guddoomiyaha hambalyo u diray Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanadii ka qaatay sidii loo dhammeyn lahaa,xalna looga gaari lahaa khilaafkii u dhexeeyay Guddoomiye Mursal iyo labadiisa kuxigeen,wuxuuna sheegay in uu yahay mid geesimino ah.