DHAGEYSO:-Dad badan oo ku dhintay dagaal ka socda Mooyaale

0

Shanti maalmood ee la soo dhaafay waxey dagaallo ka socdeen degmada Mooyaale ee dalka Ethiopia.

Dagaaladan ayaa dhex marayay Soomaalida iyo Oromada oo ku dagaalamaya, lahaanshiyaha magaalada.

Dagaalka ayaa weli ka socda magaalada oo la isku adeegsanayo rasaas culus.

Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay dagaaladii dhacay waxaa dhinaca Soomaalidu ay sheegeen inay uga dhinteen 27 qof, 80 dad ku dhowna way ku dhaawacmeen.