Taliyaha Qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Magaalada Garbahaarey

0

Taliyaha Qaybta 43-aad ee xoogga dalka S/Guuto Cali Maxamed Maxamuud iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Socdaalka Taliyaha ayaa la sheegay in ay tahay mid lagu dar-dargelinayo hawlgalada ka dhanka ah Argagixisada Alshabaab kaas oo ciidanku ka wadaan gobolkaasi.

Gudoomiyaha gobolka Gedo iyo saraakiil kale ayaa soo dhaweeyey Taliyaha qaybta, waxaana ay ka wada hadleen sidii gobolka Gedo looga nadiifin lahaa maleeshiyada Al-shabaab, dadka deegaankuna ay uga qayb qaadan lahaayeen hawlgalada socda.