SAWIRO:- Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo U Duulay Dalka Qatar

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha oo casuumaad ka helay Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa la filayaa marka uu gaado Dooxa in uu madaxda dalkaas la yeesho kulamo ay uga wada hadlayaan xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo dhinacyada iskaashiga laba geesoodka ah.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shirka sannadlaha ah ee Madasha Dooxa oo sanadkii hore ee 2017 uu sidaan oo kale uu uga qayb galay.