Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta ku sii jeeda magaalada Doxa ee dalka Qatar

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku wajahan magaalada Doxa ee dalka Qatar, halkaasoo uu uga qeyb galayo Madasha Doha Forum oo sanadkiiba mar la qabto.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka mid ah madaxda lagu casuumay shirka Doha Forum oo uu sanadkii hore ka qeyb galay.

Shirka ayaa waxaa furi doona Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka Sheikh Mohamed Bin Abdurahman Al-Thani.

Waxaa madaxda ka qeyb galeysa ka mid ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres iyo madax kale.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka horumaradii ay sameysay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Framaajo.